Pep Guardiola oo go’aamiyay badalka Leroy Sané ee kooxda Manchester City

0
65

(Manchester) 02 Agoosto 2019. Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay iska fasaxdo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka Leroy Sané inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, si uu ugu biiro kooxda Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay warbixinno dhowr ah ee dhanka saxaafadeeda, macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sii go’aamiyay xiddiga badalka u noqon kara Leroy Sané hadii ay dhacdo inuu u dhaqaaqo Bayern Munich.

Image result for Leroy Sané and Mikel Oyarzabal

Pep Guardiola ayaa u arka in badalka saxda ah ee ku haboon inuu buuxiyo booska Leroy Sané uu yahay xiddiga weerarka garabka kaga ciyaara Real Sociedad ee Mikel Oyarzabal.

Xiddigan reer Spain ee Mikel Oyarzabal ayaa labadii xili ciyaareedkii ee lasoo dhaafay wuxuu u dhaliyay kooxdiisa Real Sociedad 28 gool, waana sababta uu ugu arko Guardiola inuu noqon karo badalka  Leroy Sané.

21-sano jirkan reer Spain ayaa kaga qiimeysan suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda adduun dhan  75 milyan oo Yuuro, taasoo ay qeyb ka tahay qiima lagu kansali karo heshiiska uu ku joogo kooxda Real Sociedad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here