“Paris St Germain ma rabto inay ceshato Neymar Jr” Halyeey kooxda Barcelona ah

0
56

(Paris) 02 Agoosto 2019. Halyeeyga kooxda Bracelona iyo xulka qaranka Brazil ee Rivaldo, ayaa ka hadlay go’aanka uu xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Neymar Jr ugu biiri karo koox cusub xili ciyaareedka soo socda.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu Rivaldo kaga hadlay arrintan wuxuuna yiri:

“Waxaan maqlay wararka xanta ah, laakiin waxaan ku qanacsanahay in Neymar Jr uu heli doono dalab fiican ka hor dhamaadka suuqa haatan ee xagaaga”.

“Neymar iyo wakiilada ayaa ka shaqeynaya sidii ay xal ugu heli lahaayeen arrinta bixitaankiisa, si ay kaga fogaadaan in xili ciyaareed kale uu sii joogo kooxda Paris St Germain”.

Related image

“Uma maleynayo in kooxda PSG ay dooneyso inay ku sii heysato Neimar Jr duruufaha jira”.

“Xiddiga wuxuu cadeeyay inuusan ku faraxsaneyn kooxda isla markaana ay u furan tahay inay iska iibiyaan, waxayna diyaar u yihiin inay wadahadalo galaan, hadii ay helaan dalab ku haboon”.

“Malaha waxaa suurtogal ah inuu soo gaaro dalab fiican si ay u ogolaato kooxda Paris St Germain, sidaa darteed Neymar wuxuu u dhaqaaqi doonaa koox weyn oo Yurub ah”.

Yeelkadeeda, Neymar Jr ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo midkood kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Juventus inta lagu gudajiro suuqan xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here