Ole Gunnar Solskjær oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Man United ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Tottenham… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)    

0
33

(Manchester) 04 Dis 2019. Tababare kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu daaha ka rogay liiska ciyaartoyda Red Devils ee kaga qeyb galaya kulanka horyaalka Premier League ay caawa ku soo dhaweyn doonaan naadiga Tottenham garoonka Old Trafford.

Scott McTominay ayaa dib ugu soo laabtay shaxda kooxda Manchester United kulanka ay caawa ku soo dhaweyn doonaan garoonka Old Trafford naadiga Tottenham, laakiin Anthony Martial ayaa ka maqnaanayo shaxda Red Devils.

kooxda Manchester United ayaa ka fiirsaneysa qaabka ay ku buuxin laheyd booska uu ka maqan yahay weeraryahankooda reer France ee Anthony Martial, iyagoo warka farxada u leh uu yahay inay khadkooda dhexe ku heystaan Scott McTominay.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska xiddigaha ay ku dhawaaqday kooxda Manchester United ee diyaarka u ah kulanka caawa ee Tottenham Hotspur:

David de Gea, Sergio Romero, Lee Grant, Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Axel Tuanzebe, Brandon Williams, Ashley Young, Luke Shaw, Fred, Scott McTominay, Andreas Pereira, James Garner, Jesse Lingard, Juan Mata, Daniel James, Mason Greenwood, Marcus Rashford.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here