Ole Gunnar Solskjær iyo Unai Emery labo Tababare oo aan waxba isdhaamin xilli ciyaareedkan kaddib barbarihii ay galeen todobaadkan horyaalka Premier League

0
24

(Yurub) 25 Nof 2019. Macallin Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær iyo hoggaamiyaha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa la soo sheegayaa inay yihiin labo tababare oo aan waxba isdhaamin kal ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa barbaro 2-2 la gashay Southampton oo marti u ahayd kulankeedii ugu dambeeyey ee Premier League, halka Man United ay barbaro 3-3 la soo gashay naadiga Sheffield United oo ay booqatay kulankaasoo ay Man Utd hurdada ka toostay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Yeelkeede, Kooxda Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo leh 18-dhibcood, iyadoo hal gool lagu leeyahay marka la kala jaro goolasha ay dhalisay iyo kuwa laga dhaliyey.

>- Waa dhibcihii ugu yaraan oo ay Gunners ka hesho 13 kulan oo ay ciyaartay tan iyo markii la bixiyey magaca horyaalka Premier League.

Dhinaca kale Manchester United oo aan waxba dhaamin Arsenal xilli ciyaareedkan ayaa ku jirta kaalinta sagaalaad, waxa ay hal dhibic oo qura ka dambeeyaan Gunners, iyadoo leh 17-dhibcood, inkastoo ay leeyihiin 4 gool marka la kala jaro goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey.

>- Waa dhibcihii ugu yaraan oo ay hesho Man United kaddib 13 kulan oo ay ciyaartay ciyaaraha sare ee horyaalka Ingiriiska tan iyo xilli ciyaareedkii 1988-89.

Si kastaba ha noqotee, hadda waxaa la leeyahay macallimiinta Ole Gunnar Solskjær iyo Unai Emery waa labo tababare oo aan waxba isdhaamin xilli ciyaareedkan ee kaliya waa inay u dagaalamaan sidii ay ugu dhammaysan lahaayeen kaalimaha afarta sare ee horyaalka Premier League kal ciyaareedkan, kuna darso labaduba waxa ay ka ciyaarayaan tartanka Europa League.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here