Muxuu ka yiri Valverde go’aankiisa kaga aadan Messi kulanka habeen dambe ee daah furka horyaalka La Liga xili ciyaareedka cusub 2019/2020?

0
39

(Spain) 15 Agoosto 2019. Macalinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay inuusan halis gelin doonin kabtankooda reer Argantina ee Lionel Messi, inta lagu gudi jiro kulanka ay kaga daahfuran doonaan horyaalka dalka Spain ee La Liga xili ciyaareedka cusub 2019/2020.

Ernesto Valverde ayaa kahor kulanka habeen dambe ay booqan doonaan kooxda Athletic Bilbao wuxuu ka hadlay go’aankiisa kaga aadan Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Wax halis ah ma galin doono Messi, tababar fiican ma uusan la qaadanin kooxda”.

Image result for Messi and Valverde

“Waan sugi doonnaa, laakiin si wanaagsan ayuu u soo kabanayaa”.

Intaas kaddib macalinka reer Spain ayaa wuxuu ka hadlay kulanka adag ay kaga daah furan doonaan horyaalka La Liga xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 wuxuuna yiri:

“Waa bilow adag ee xili ciyaareedka cusub ah, si fiican ayay xilli ciyaareedka ugu diyaar garoobeen, waxay kula ciyaareen cadaadis badan kooxaha ka soo horjeedday, waana inaan taxaddar muujino”.

“Waxaan dooneynaa inaan si fiican ku bilaawano, isla markaana aan ku guuleysano koobka horyaalka La Liga markii saddexaad ee xiriir ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here