Muxuu ka yiri tababare Valverde, kaddib guushii ay Barcelona ka gaartay kooxda Arsenal?

0
39

(Spain) 05 Agoosto 2019.Tababaraha Isbaanishka ah ee kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa tooshka ku ifiyay labadiisa xiddig ee Luis Suarez iyo Frenkie de Jong kaddib guushii ay kaga gaareen Arsenal koobka Joan Gamper trophy.

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa guul soo laabasho 2-1 ah kaga gaartay naadiga Arsenal, isla markaana hanatay koobka Joan Gamper trophy kulan aad u xiiso badan ee xalay ka dhacay garoonka Camp Nou.

Ernesto Valverde ayaa ciyaarta kaddib sheegay:

“Waxay ahayd fursad lagu tijaabin karo dad badan oo cusub iyo isbedelo dhowr ah, qof walba wuxuu doonayay inuu ciyaaro, balse ugu dambeyntii waan guuleysanay”.

“Xiliyada soo aadan waxaad arki doontaa horyaalka La Liga oo furmay, waxaana dooneynaa in ciyaarta ugu horeysa ee aan kaga daah furan doono aan guul ka gaarno kooxda Athletic Bilbao”.

“Suarez wuxuu ahaa mid aad u fiican, Frenkie de Jong wuxuu doonayay inuu helo kubbada oo uu la macaamilo. Riqui Puig wuu nala ciyaari karaa annaga iyo kooxda labaad”.

Intaas kaddib Ernesto Valverde ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay hadalka Lionel Messi ee ku aadanaa ku guuleysiga koobab wuxuuna yiri:

“Cadaadis joogta ah ayaa naga saaran koobabka, waa inaan u dagaalanaa inaan badino kulan walba, waxaana dooneynaa inaan ka shaqeyno kulan walba si aan u gaarno meesha ugu sareysa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here