Muxuu ka yiri tababare Klopp guuldaradii ay Liverpool kala kulantay Man City kulankii koobka FA Community Shield?

0
51

(England) 04 Agoosto 2019. Macalinka kooxda kubadda cagta ee Liverpool Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay inuusan niyad jabin, inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Manchester City kulankii koobka FA Community Shield, taasoo ka sii dhigeysa macalinka reer Germany inuusan Reds la qaadin wax koob ee gudaha dalka England ah.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa maanta difaacatay koobka FA Community Shield kaddib markii ay rigooreyaal 5-4 ah kaga adkaatay Liverpool, waxaana ay ku guuleysteen koobkan markoodii lixaad.

Yeelkadeeda, 52 jirka reer Germany ayaa ciyaarta kaddib u sheegay shabakada “PT Spor” ee dalka England:

“Runtii qaab ciyaareedka wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, qaab ciyaareed aad u xoogan qeybtii labaad ee ciyaarta, labada kooxoodba waxay lahaayeen xilli isku diyaarin oo isku mid ah”.

“Waxaan lahadlay Kevin De Bruyne dhamaadkii ciyaarta waxaana runtii labadeenuba isku sheegnay inaan ka war qabin halka aan joogno illaa iyo hadda”.

“Waxa ugu yar ee aan u qalanay wuxuu ahaa goolka bar-bardhaca, mana xanaaqi karo maanta, qaab ciyaareedka ayaa aad ugu muhiimsanaa maanta guusha, waan ognahay inaan weli halkan joogno, weli waan ciyaari karnaa kubbadda”.

“Qeybtii hore waxaan awoodnay inaan si fiican ula qabsano, laakiin waxaan sidoo kale helnay fursado, qeybtii labaad, xoogaa isbadal ayaan sameynay, waxaan dooneynay inaan badino, ugu dambayntiina nasiibku wuxuu ciyaaray door yar. Hambalyo Man City”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here