Muxuu ka yiri Cristiano Ronaldo awooda ciyaareed ee kooxda Inter Milan uu hogaaminayo Antonio Conte?

0
92

(Italy) 24 Luulyo 2019. Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in kooxdiisa Juventus ay u qalantay inay guul ka gaarto naadiga Inter Milan kulankii saaxiibtinimo ay ku wada ciyaareen koobka International Champions Cup 2019.

Juventus aayaa guul ku gaartay rigoorooyin 5-4 ah, kaddib markii uu waqtigii loogu talagalay ciyaarta ay ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah, xili Cristiano Ronaldo uu dhaliyay goolka kooxda Bianconeri.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Waxay ii tahay farxad weyn inaan halkaan joogo, taageerayaashu way fiicnaayeen waxayna ahaayeen kuwo i garab taagan sidoo kale kooxda”.

“Waa wax aad u wanaagsan had iyo jeer inaan la ciyaarto Inter, sababtoo ah waxay ka mid tahay kooxaha ugu adag ee naga soo horjeeda, waa koox aad u wanaagsan ee heysata macalin cajiib ah”.

“Waan ku faraxsanahay inaan ciyaarno ciyaaro saaxiibtinimo ee sidaan u xoogan kahor bilaabashada xili ciyaareedka cusub, waan ku faraxsanahay inaan badino, waxaana qabaa inaan u qalanay inaan badino”.

Gool Hilaac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here