MUQDISHO: Weerar Culus Oo Caawa Lagu Qaaday Hotel SYL Oo Ku Dhow Madaxtooyadda Soomaaliya

0
88

(HilaacNews-Muqdisho)-Kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dabley
ka tirsan Al-Shabaab galeen gudaha Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii loogu talagalay
isla markaasna ay hadda ciidamadeeda howlgal ka wadaan gudaha Hotel SYL.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo weerarkaas ayaa sheegayo in weli la
maqlayo rasaas ay is dhaafsanayaan ciidammada Dowladda iyo kuwa weerarka soo
qaaday inkastoo ciidamada Ammaanka ay sheegeen inay toogteen laba kamid
dableyda Al-Shabaab.

Hotel SYL ayaa waxaa ka socotay xaflad lagu soo bandhigay Buug, waxaana
lasoo sheegayaa in dad badan ay Hotel joogeen marka uu weerarka dhacayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here