Muhiimad intee la eg ayeey Liverpool u leedahay ku guuleysiga koobka UEFA Super Cup? – Waxaa ka jawaabaya tababare Klopp

0
54

(Istanbul) 15 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay xalay kaga gaareen Chelsea kulankii finalka ee koobka UEFA Super Cup.

Kooxda Liverpool ayaa ku guuleystay koobka UEFA Super Cup markeedii afaraad kaddib markii ay xalay rigooreyaal ku garaaceen Chelsea kulankii ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ciyaarta kaddib ayuu sheegay tababaraha reer Germany ee Jurgen Klopp:

“Waxaan weydiiyay xiddigaha James Milner iyo Henderson muhiimadda uu koobkan u leeyahay taageerayaasha, waxay ii sheegeen inay wax badan kaga dhigan tahay”.

“Waa guul weyn, sidaan horey u sheegay ma aqoon dareenka uu leeyahay in lagu guuleysto koobkan, balse kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay, waxaan dareemay inaan gaarnay guul weyn isla markaana in badan aan ku farxay”.

“Waxaan u maleynayaa inaan qibrad badan yeelan lahaa haddii aan ciyaari lahaa ciyaartan oo kale mustaqbalka, waa guul aad u weyn ee aan xusuusnaan doono, inaan ku guuleysano koobkan waxaa sabab u ahaa taageerayaasheena gaarka ah”.

“Waxaan u tartanay afar koob mudadda saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana awoodnay inaan ku guuleysano labo ka mid ah, taasina waa guul aad u weyn”.

“Haatan waa inaan sii wadnaa shaqada, waa inaan raadinno qaab cusub oo aan ku guuleysan karno kulanka soo socda ee Sabtida, kaddib kulanka kale ee xigi doona”.

“Waxaan la ciyaari doonaa Southampton, kaddibna Arsenal, waan ka war qabnaa in labada ciyaar ee ina sugaya ay yihiin kulamo siyaabo ka duwan u adag”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here