Miyuu saameyn ku yeelan karaa dhaawaca Asensio, heshiiska uu Ceballos ugu wareegayo Arsenal?…  Zidane iyo Unai Emery oo hadlay

0
66

(Yurub) 24 Luulyo 2019.Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Real Madrid Zinedine Zidane, ayaa ka hadlay dhowr arimood ee quseeyay Los Blancos, kaddib kulankii ay kula ciyaareen Arsenal International Champions Cup.

Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ka shaqeyneyso sidii ay Dani Ceballos ugu wareejin laheyd Arsenal qaab amaah ah, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in waqtiga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqi doono dhameystirka heshiiska ay tahay arrin ku xiran saraakiisha kooxda.

Macalinka reer France ayaa ciyaarta kaddib shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay:

Image result for Unai Emery, Zidane and Ceballos

“Wali ma jiraan wax rasmi ah, kooxda ayaa gacanta ku heysa arinta waxaan arki doonaa waxa dhaca maalmaha soo socda”.

Dhinaca kale Arsenal waxay rajeeneysay inay ku dhawaaqdo saxiixa Dani Ceballos, kaasoo lagu waday in bari oo qamiis ah uu soo gaaro magaalada London, laakiin Gunners ayaa cabsi ka qabta in dhaawaca soo gaaray Marco Asensio uu saameyn ku yeesho heshiiska laacibkan.

Marco Asensio ayaa xalay dhaawac xun ee dhanka Jilibka ah ka soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii dhex maray kooxaha Arsenal iyo Real Madrid, waxayna taasi sababi kartaa in Ceballos uu baaqi ku sii noqdo garoonka Santiago Bernabéu, inkastoo labada xiddig ee reer Spain ay isku boos ahayn.

Mar wax laga weydiiyay in dhaawaca Marco Asensio uu keeni karo inuu carqaladeeyo heshiiska Dani Ceballos tababaraha Arsenal ee Unai Emery ayaa yiri:

Image result for Unai Emery, Zidane and Ceballos

“Ma garanayo, bar-timaameedkeenu ma ahayn in dhaawacyo ay dhacaan kulankan, waxaa soo wajahay iyaga dhaawac weyn oo ah Marco Asensio, waa war u xun iyaga iyo inagaba, ma ogi hadii ay badali karto heshiiska Ceballos”.

Gool Hilaac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here