Miyey kooxda Man United xiiseyneysaa inay sameyso heshiisyo kale ee cusub? – Waxaa ka jawaabaya tababare Solskjaer

0
34

(Manchster) 04 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa si maldahan u sheegay inuu doonayo inuu la soo wareego ciyaartoy cusub kahor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Dhinaca kale tababare Solskjaer ayaa xusay in ciyaartoyda ay heystaan haatan ay soo bandhigeen heerar aad u wanaagsan kulamadii saaxiibtinimo ay ciyaareen.

Wargeyska “Manchester Evening News” ayaa wuxuu soo bandhigay wareysi uu bixiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan rajeyneynaa inaan dhameystirno hal ama labo heshiis ah, dabcan, waxaan sugeynaa inaan soo bandhigino baahiyaha aan u qabno ciyaartoy cusub”.

“Laakiin tababare ahaan isla marka aan galo garoonka kulamada aan ciyaareyno, waa inaan la macaamilaa kooxda aan heysto. Ma ahan wax sax ah inaan ku fikiro inuu kan imaan doono, ama kaas uu bixi doono”.

“Ciyaartoyda cusub ayaa ka qeyb qaatay kulamada is diyaarinta kahor xili ciyaareedka cusub, waxayna sameeyeen shaqo aad u fiican, laakiin wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xilliga kala iibsiga ma joogsan doonaan, sababtoo ah waa inaad wali wax qorsheysataa kahor xilli ciyaareedka cusub”.

Kooxda Manchester United ayaa ilaa iyo haatan sameysay heshiisyada Daniel James iyo Aaron Wan-Bissaka, waxayna sidoo kale si xoogan ugu dhowdahay dhameystirka heshiisyada Harry Maguire, Bruno Fernandes iyo Paulo Dybala, iyadoo la ogsoon yahay in suuqa kala iibsiga xagaaga ee dalka England uu xirmi doono maalinta khamiista ee soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here