Miyaa laga qaadi doonaa Xhaka calaamadda kabtanimada ee Arsenal, kaddib khaladkii uu ku hor sameeyay Taageerayaasha? – Waxaa ka jawaabaya Unai Emery

0
37

(Arsenal) 28 Okt 2019. Kooxaha Arsenal iyo Crystal Palace ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday Emirates Stadium, kaddib markii ay ku kala bexeen barbaro 2-2 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 10-aad ee horyaalka Premier League shalay oo Axad ah.

Muqaalkii ugu xumaa waxaa sameeyay xiddiga reer Switzerland isla markaana ah kabtanka kooxda Arsenal ee Granit Xhaka, kaddib markii uu ka fal celiyay weerar kaga yimid taageerayaasha Gunners ee u soo daawasho tahay garoonka Emirates inay dawaadaan kulankii dhex maray kooxaha Arsenal iyo Crystal Palace.

Dhacdadan ayaa waxay timid daqiiqadii la badelayay xiddiga reer Switzerland ee Granit Xhaka qeybta labaad ee ciyaarta, wuxuu geystay aflagaado iyo tilmaamo la socda, isagoo kaddib dhulka ku tuuray maaliyadiisa kooxda Arsenal.

Macalinka reer Spain ee Unai Emery oo faalo ka bixinayay khaladkii uu sameeyay kabtanka kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa wuxuu yiri:

Image result for Xhaka and Unai Emery

“Khalad ayuu sameeyay, laakiin waa inaan xasilooni ka muujinaa kiiskan, waa inaan noqonaa kuwo degen maanta iyo barri”.

“Waxaan rabnaa inaan si qoto dheer kaga hadalno arrintaas, laakiin guud ahaan Granit Xhaka mar horeba khalad ayuu sameeyay”.

Unai Emery oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sii raaciyay:

“Miyaa laga qaadi doonaa calaamada kabtanimada Granit Xhaka? Waxaan u maleynayaa in waqtigaan aysan ku habooneen in wax jawaab ah laga bixiyo su’aashan, waxaan la hadli doonaa isaga iyo sidoo kale maamulka kooxda”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here