Midowga Yurub Oo Ka Arrinsanaya In Falastiin Loo Aqoonsado Dal Madaxbannaan

0
79

(HilaacNews-Paris)-Wasiirrada arrimaha dibadda Midowga Yurub ayaa la filayaa in bisha soo socota ay ka arrinsadaan fikir ahaan in Falastiin loo aqoonsado dal Madaxbannaan.

Kulanka 28-da dal ee midowga
ayaa Imaanaya iyadoo Mareykanka bishii hore uu sheegay in Aqoonsiga Falastiin
ay xoojin doonto dhibaatada ka taagan Bariga Dhexe.

Dalalka Ireland iyo Luxembourg oo xubin ka ah Yurub ayaa soo jeediyay in Falastiin loo aqoonsado dal madaxbannaan ka hor kulanka guddiga wasiirrada arrimaha dibadda ee dhici doona 20-ka bisha Jeeniwari ee sannadka soo aadan ee 2020-ka.

Madaxa arrimaha siyaasadda
Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in Yurub ay go’aan ka gaadhi doonto
xaaladda Falastiin.

Mr Borrell ayaa sidoo kale
tilmaamay in go’aanka Washington ay ku sharciyeysay dhismaha Israa’iil ka wado
daanta Galbeed uu hareer marsan yahay qawaaniinta Caalamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here