Mbappé oo falaqeeyay xaalada Neymar Jr ee kooxda PSG

0
82

(Paris) 12 Agoosto 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa qiray saameynta ay yeelan karto hadii uu ka dhaqaaqo saaxiibkiis reer Brazil ee Neymar Jr garoonka Parc des Princes.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG ee Leonardo ayaa dhawaan xaqiijiyay inuu jiro horumar ku aadan wadahadalada mustaqbalka Neymar Jr, laakiin wuxuu beeniyay inay jirto koox ay ilaa iyo haatan heshiis wada gaareen iyo magacyada kuwa xiiseenaya.

Barcelona iyo Real Madrid, ayaa ah kooxaha ugu cad cad ee ku tartamaya waqtigan inay helaan adeega Neymar Jr, balse midkoodna wax heshiis ah ma uusan la gaarin PSG ilaa iyo haatan.

Kylian Mbappé ayaa wareysi uu dhawaan “Canal+” ee dalka France wuxuu ku sheegay:

“Midkeen kan kale been uma sheegi karo, waxaan la soconaa waxa ku dhacaya Neymar Jr”.

Intaas kaddib Kylian Mbappé ayaa wax laga weydiiyay xaaladiisa caafimaad kaddib dhaawicii soo gaaray wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaan la kulmay dhaawac dilaac ee dhanka muruqa ah, hadda waan fiicanahay mana jiraan wax halis ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here