Maxaa ka cusub heshiiska ay kooxda Arsenal ku dooneyso saxiixa Mauro Icardi?

0
77

(London) 02 Agoosto 2019. Weeraryahanka reer Argentina ee Mauro Icardi ayaa iska diiday fikrada uu ugu biirayo kooxda Arsenal inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, kaddib wada wadahadaladii u dhaxeeyay isaga iyo saraakiisha kooxda reer London ee Gunners.

Shabakada “Sportitalia” ayaa xaqiijisay in Arsenal ay u soo bandhigtay Mauro Icardi mushaar ku qiimeysan 10 milyan euro halkii xili ciyaareed.

Laakiin xiddiga reer Argantina ee Mauro Icardi ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday dalbkan kaga yimid kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal, isagoo xaqiijiyay inuu doonayo inuu kusii nagaado dalka Talyaaniga.

Waxaa loo maleynayaa in Mauro Icardi uusan qeyb ka noqon doonin qorshaha tababare Antonio Conte, wuxuuna xiddigan maalmihii ugu dambeeyay dalabyo ka helayey kooxaha Napoli iyo Roma.

Weeraryahanka kooxda Nerazzurri ayaa la filayaa inuu go’aansado mustaqbalkiisa maalmaha soo socda, si loo ogaado kooxdiisa cusub uu maaliyadeeda xiran doono xili ciyaareedka cusub.

Yeelkadeeda, wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in la filayo in Mauro Icardi uu qeyb ka noqdo heshiis is dhaafsi ah si uu ugu dhaqaaqo kooxda Roma, halka Inter uu u soo dhaqaaqi doono Edin Džeko, ama inuu aado Napoli iyadoo Arkadiusz Milik uu imaanayo kooxda Inter Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here