Masar Iyo Itoobiya Oo Wada-hadlaya

0
121

(HilaacNews-Addis Ababa)-Hoggaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Itoobiya ayaa isku raacay in guddiga ka shaqeynaya wadahadallada biyo xidheenka inay dib u bilaabaan sida uu sheegay Afhayeenka madaxweynaha Masar.

Xukuumadda Qaahira ayaa saluugsan dhisida biyo xidheenka korontada wabiga Niil oo dhismihiisa ka socdo Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisii iyo raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa ku heshiiyay dib u bilaabida wadahalka kadib kulan ay dhawaan ku yeesheen magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Dowlada Masar ayaa sheegtay in ayna aqbali doonin dhisida biyo xidheenkan oo ay sheegtay in uu dhibaato ku yahay nolosha iyo shacabka masar oo ku tiirsan biyaha wabiga Niil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here