Maqaamka Muqdisho oo dood adag laga yeeshay + Sawirro

0
161

Muqdisho (Hilaac News) – Wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa qabatay dood adag oo ku saabsan maqaamka caasimada oo in muddo la’isku hayo.

Dooda oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Inta badan xubnahaan ayaa ka doodayey dardargalinta dhismaha maqaamka caasimada iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista dastuurka Waranka.

Cumar Filish oo ka hadlay madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey aragtida dadweynaha caadimadda ee ku aadan arrintaan, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay in ay hesho xaquuq la mid ah kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

“Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in ka badan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka caasimadda waxaana aragtida dadweynaha ka mid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib-udhiska Caadimadda iyo in magaaladu ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii ay caalamka ku laheyd”. ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo dooda qeyb ka ahaa ayaa ka hadlay muhiimadda maqaamka Muqdisho.

Sabriye ayaa xusay inay muhiim tahay in marka la xaliyo tabashada ay qabaan dadweynaha degan caasimada.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaaradda dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”. ayuu wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo ka qeyb galay doodadaasi.

Ugu dambeyn wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo wasaaradiisu soo qaban qaabisay dooda ayaa carabka ku adkeeyey in ujeedka dib-u-eegista dastuurka ay tahay mid la doonayo inay ku wada qanacsan yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho”. ayuu yiri wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya.

Maqaamka Muqdisho oo muddo ah la’isku hayo ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan la’isku diyaarinayo doorashada guud ee dalka oo la filayo in la qabto sanadka 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here