Manchester United oo hal shuruud ku xirtay heshiiska uu Lukaku ugu biirayo kooxda Juventus

0
90

(Manchester) 27 Luulyo 2019. Manchester United ayaa u muuqata inay ku fikireyso in weeraryahankeeda reer Belgian ee Romelu Lukaku ay ka iibiso kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga, laakiin tani waxay kaliya dhici doontaa hadii hal shuruudood la buuxiyo.

Wargeyska “Dailymail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Manchester United ay xiiseeneyso xiddiga reer Brazil una ciyaara kooxda Juventus ee Douglas Costa, kaasoo laga yaabo inuusan qeyb ka noqon qorshaha cusub ee Maurizio Sarri.

Manchester United ayaan diidi doonin in weeraryahankeeda Romelu Lukaku uu u dhaqaaqo magaalada Turin xagaagan, balse waxay shuruud kaga dhigtay inay hesho lacago iyo adeega Douglas Costa.

Image result for Lukaku and Douglas Costa

Yeelkadeeda, Juventus ayaa waxay loolan adag ee ku aadan heshiiska Romelu Lukaku kala kulmi doontaa kooxda Inter Milan maadaama ay raacdo ugu jireen sida ay ku heli lahayd adeega 26 jirkan mudo dheer, maadaama uu sidaas xiiseenayo macalinkooda cusub ee Antonio Conte.

Kooxda Inter ayaa miiska soo saartay qiimo dhan 60 milyan euro ah, kaasoo ay ku dooneyso inay ku iibsato Lukaku, balse Red Devils ayaa diiday in xiddigoodan reer Belgium ay ku iibiyaan qiimo ka yar 85 milyan euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here