Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford ugu awood sheegatay kooxda Brighton…+SAWIRRO

0
33

(Manchester) 10 Nof 2019. Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 12-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 17-aad Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Andreas Pereira, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Anthony Martial.

Daqiiqadii 19-aad xiddiga kooxda Brighton & Hove Albion ee Davy Propper ayaa iska dhaliyay gool kam ah, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 2-0.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad kooxda Brighton & Hove Albion ee ayaa heshay gool waxaana dheesha 2-1 ka dhigay Lewis Dunk, iyadoo goolkan uu ka caawiyay saaxiibkiis Pascal Gross.

Laakiin Marcus Rashford ayaa ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hogaamineysay Manchester United, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Anthony Martial.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-1 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here