Man United oo ku dhawaaqday lambarrada ay xiran doonaan ciyaartoydeeda xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20… (Yaa la siiyey lambarka 9-aad uu ka tagay Lukaku??)

0
77

(Manchester) 09 Agoosto 2019. Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday lambarrada ay xiran doonaan ciyaartoyda kooxdeeda xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Saraakiisha kooxda Manchester Unite ayaa waxay go’aansadeen in Lambarka 9-aad uu ka tagay Romelu Lukaku, uu xiran doono Anthony Martial xili ciyaareedka cusub.

Xiddiga cusub ee dhawaangalka ah ee Harry Maguire kaasoo kaga soo dhaqaaqay Leicester City adduun lacageed dhan 80 milyan ginni, ayaa la gudoon siiyay maaliyada NO. 5-aad.

Daniel James oo isna ka mid ah heshiisyada suuqan xagaaga yimid garoonka Old Trafford ayaa la gudoonsiiyay NO. 21, halka Aaron Wan-Bissaka isna loo xiray NO. 29-aad.

Angel Gomes iyo Mason Greenwood ayaa iyagana si rasmi ah loogu dhawaaqay inay heleen maaliyadihii ay ku ciyaareen kulamadii diyaargaroowga ee xili ciyaareedka cusub ee kala ah NO. 28 iyo NO. 26 sida ay u kala horeeyaan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg magacyada xiddigaha kooxda Man United & lambarrada ay xiran doonaan xilli ciyaareedka cusub 2019/2020 oo dhammaystiran:-

  1. David de Gea

2. Victor Lindelof

3. Eric Bailly

4. Phil Jones

5. Harry Maguire

6. Paul Pogba

7. Alexis Sanchez

8. Juan Mata

9. Anthony Martial

10. Marcus Rashford

12. Chris Smalling

13. Lee Grant

14. Jesse Lingard

15. Andreas Pereira

16. Marcos Rojo

17. Fred

18. Ashley Young

20. Diogo Dalot

21. Daniel James

22. Sergio Romero

23. Luke Shaw

24. Timothy Fosu-Mensah

26. Mason Greenwood

28. Angel Gomes

29. Aaron Wan-Bissaka

31. Nemanja Matic

36. Matteo Darmian

37. James Garner

38. Axel Tuanzebe

39. Scott McTominay

40. Joel Pereira

44. Tahith Chong

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here