Man United oo barbaro la gashay kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford…+SAWIRRO

0
43

(Manchester) 01 Dis 2019. Kooxaha Manchester United iyo Aston Villa ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Old Trafford, kddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 11-aad kooxda martida aheyd ee Aston Villa ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Jack Grealish, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Anwar El Ghazi.

Laakiin daqiiqadii 42-aad kooxda Manchester United ayaa heshay goolka barbaraha kaddib markii uu gool kam ah iska dhaliyay goolhaayaha kooxda Aston Villa ee Tom Heaton, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta, labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaan 2-1 ka dhigay Victor Lindelof

Daqiiqadii 66-aad kooxda Aston Villa ayaa heshay goolka barbaraha waxaana dheesha 2-2 ka dhigay Tyrone Mings, waxaana goolkan ka caawiyay Matt Targett.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester United iyo Aston Villa.

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here