Macallin Jose Mourinho oo sharraxay sababta uu u deganaa Lowry Hotel muddadii uu joogay Man United ka hor kulanka uu caawa booqanayo Old Trafford

0
33

(Manchester) 04 Dis 2019. Tababare Jose Mourinho ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta uu ugu noolaa Hoteelka la yiraahdo Lowry Hotel intii lagu guda jiray mudadii uu macallinka ka ahaa Kooxda Manchester United ka hor inta uusan caawa ku laaban garoonka Old Trafford kulan halkaasi ka dhici doona.

Kaddib markii uu shaqada Tababarenimo ee kooxda Tottenham ka bedelay macallin Mauricio Pochettino, hoggaamiye Mourinho ayaa hadda waxa uu la midoobayaan kooxdiisii hore ee shaqada ka cayrisay dabaqaayadii sanadkii la soo dhaafay, halkaasoo ay caawa kulan adag ku yeelan doonaan.

Jose ayaa wax laga weydiiyey waqtigiisii aan caadiga ahayn iyo xaaladdii uu ku noolaa xilligii uu joogay Kooxda Manchester United, iyadoo wararka qaar ay sheegayeen inuusan ku faraxsanayn muddadii uu ka shaqeynayey Tiyaatarka riyooyinka ee Old Trafford.

Mourinho si adag ayuu isaga diiday, si kasta oo ay ahaataba, waxa uu ku deg degay inuu qafiifiyo aragtidaas, waxa uuna yiri: “Ma waxaad garanaysaan sababta aanan u ahayn mid faraxsan? Ma’ahaan lahayn mid faraxsan haddii aan Guri deganaan lahaa kaligeey.

“Haddii aan kaligeey guri deganaan lahaa waxa ay ahaan lahayd inaan anigu nadiifiyo, mana rabo arrintaas, waa inaan anigu dharka feereysto mana aqaanno anigu sida dharka loo feereysto, waxay noqon lahayd inaan cuntada anigu kariyo, mana aqanno sida loo kariyo, waxaan karin karaa kaliya Ukun shiillan & Sausages (oo ah hilibka ridqan ama shiidan ee dhaadheer oo kaliya u baahan in dabka la saaro), waana waxa kaliya oo aan sameyn karo ayuu yiri.

“Waxaan ahaan lahaa mid aanan faraxsanayn, laakiin waxaan ku noolaa apartment heer sare ah oo cajiib ah, qol ma’ahayn waxay ahayd meel aan anigu leeyahay marwalba, mana ahayn meel markaan hal isbuuc joogo aan ka tagaayo.

“Maya, waxay ahayd meel aan anigu leeyahay wax waliba meeshaas ayaan uga tagi jiray, television-keyga, Buugaagteyda, Computer-keyga, waa dhismo aan deganaa, waxay ahayd meel aan dhihi karay ‘Kafee caano leh ii keena fadlan’ ama ‘Ma rabo inaan casho u dego ee waxaad ii keentaan cashadeyda’.

“Waxaan daawan jiray ciyaaraha, ama waxaan la shaqeyn jiray mararka qaar mid ka mid ah caawiyeyaasheyda, oo waxaan isna weydiisan karay inuu cunto noo keeno.

“Wax waliba waan haystay, haddii aan kaligeey meel deganaan lahaa xaaladdu way adkaan lahayd, aad ayay xaaladdu u fiicnayd waqtigaas waxay ahayd mid heer sare ah.” ayuu hadalkiisa ku soo xiray macallinka reer Portugal ee Mourinho.

Tababare Jose Mourinho ayaa isagoo horkacaya Spurs waxa uu caawa dib ugu soo laaban doonaa garoonka Old Trafford, isagoo doonaya inuu guulo xiriir ah gaaro horyaalka Premier League kaddib markii ay ka soo adkaadeen West Ham iyo Bournemouth, natiijooyinkaas ayaana ka dhigay inay sare ugu soo kacaan oo ay soo degaan kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka.

Dhinaca kale Man United ayaa barbaro lagashay labadeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League kooxaha Sheffield United iyo Aston Villa, iyagoo ka dhacay kaalinta 10-aad ee kala horreynta horyaalka Ingiriiska.

Isagoo dib u eegaya waqtigiisii garoonka Old Trafford, Mourinho waxa uu soo jeediyey inuusan ka qoomamaynaynin waqtigiisii uu meeshaas ku soo qaatay waxa uuna markale yiri macallin Jose Mourinho: “Waxbaan bartay, waxaana u malaynayaa haatan inaan ahay tababare ka fiican sidii uu ahaan jiray.”

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here