Macalin Ole Gunnar Solskjaer oo xaqiijiyay haddii uu Pogba diyaar u yahay kullanka habeen dambe ee Tottenham

0
34

(Manchester) 03 Dis 2019. Manchester United ayaa habeen dambe ku soo dhaweynta garoonkeeda Old Trafford, kooxda Tottenham Hotspur, si ay u wada ciyaaraan ciyaar ka tirsan kulamada 15-aad horyaalka Premier League ee dalka England.

Paul Pogba ayaan diyaar u aheyn kulanka Manchester United ee ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur sida laga soo xigtay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Solskjaer ayaa wuxuu cadeeyay in Pogba uusan diyaar u aheyn kulanka Tottenham Hotspur kaddib shir jaraa’id uu ka soo muuqday:

“Paul diyaar uma ahan, maya” ayuu sii raaciyay Solskjaer oo aaminsan in Scott McTominay iyo Nemanja Matic ay fursad fiican u heystaan inay ku soo laabtaan khadka dhexe ee kooxda Manchester United.

“Weli xoogaa ayuu sii maqnaanayaa, laakiin si adag ayuu uga shaqeeyaa cawska, marka bal aan eegno inta ay qaadanayso”.

Waxaa xusid mudan in macalinka reer Portugal ee José Mourinho uu habeen dambe dib ugu soo laaban doono garoonka Old Trafford ee uu maamuli jiry, kaddib billooyin markii laga ceyriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here