Maanta oo ay ku beegan tahay markii uu Lionel Messi la wareegay lambarka 10-aad ee Barcelona… (Ka bogo kulammada uu ku dheelay, goolasha uu ku dhaliyey & Kuwa uu ku dhiibay)

0
69

(Barcelona) 24 Luulyo 2019. Maanta waxa ay ku beegan tahay 11 sanadood ka hor markii ciyaaryahan Lionel Messi uu la wareegay lambarka 10-aad ee kooxdiisa Barcelona.

24-kii bishii July sanadkii 2008 maanta oo kale ayay ahayd markii ugu horreysay oo uu Lionel Messi xirto lambarka 10-aad ee kooxda Barcelona.

Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaana lambarkaan 10-aad markii ugu horreysay ku ciyaaray kulan ay kooxdiisa Barcelona 6-0 uga adkaatay naadiga Hibernian.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa wax qabadka uu lambarkan ku sameeyey Messi intii uu xirnaa, sida kulamada uu ku dheelay, goolasha uu ku dhaliyey lambarkan 10-aad iyo weliba goolasha uu ku dhiibay ama ku caawiyey;-

>- Lionel Messi ayaa isagoo lambarkan 10-aad u xiran kooxda Barcelona ciyaaray 577 kulan.

>- 11-sanadood oo uu xirnaa lambarkan 10-aad Lionel Messi waxa uu ku dhaliyey 561 gool.

>- Messi ayaana mudadii uu xirnaa lambarkan waxa uu ku dhigay ama ku caawiyey goolal gaaraya 220 gool.

Lambarka 10-aad ee Barcelona intii uu xirnaa Messi, waxa uu ku dheelay 577 kulan, waxa uu ku dhaliyey 561 gool, waxaana uu ku dhiibay 220 gool.

Gool Hilaac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here