(Liverpool) 05 Dis 2019. Liverpool ayaa kaaga adkaatay kooxda Everton garoonka Anfield kulankii adkaa ee Merseyside derby, kaddib markii ay ku garaacday 5-2, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League ee dalka England.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 4-2 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.
Daqiiqadii 6-aad kooxda Liverpool ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Divock Origi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.
Markale daqiiqadii 17-aad Liverpool ayaa la timid goolkeedii labaad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay Xherdan Shaqiri, iyadoo uu markale Sadio Mane goolkan caawiyay.
Kooxda martida aheyd ee Everton ayaa daqiiqadii 21-aa la timid gool, iyadoo uu dheesha 2-1 ka dhigay Michael Keane.
Balse 31 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Reds ayaa sii dheereysatay hogaanka dheesha waxaana 3-1 ka dhigay Divock Origi, xilli uu guulkan ka caawiyay saaxiibkiis Dejan Lovren.
Daqiiqadii 45-aad Sadio Mane ayaa ciyaarta ka dhigay 4-1 ay ku hogaamineysay kooxda Liverpool, waxaana goolkan ka caawiyay Trent Alexander-Arnold.
Laakiin inta aan la aadin qeybta nasashada kooxda Everton ayaa dhalisay gool, waxaana ciyaarta 4-2 ka dhigay Richarlison, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bernard.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 90-aad Georginio Wijnaldum ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 5-2, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Roberto Firmino.
Ugu dambeyntii kulankii adkaa ee Merseyside derby ayaa wuxuu ku soo idlaaday 5-2 ay guul kaga gaartay Liverpool kooxda Everton oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.
SAWIRRO:
Gool FM.