Liverpool oo guul weyn kaga daah furatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay si xun u xasuuqday Norwich City… +SAWIRRO

0
66

(England) 09 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa guul weyn kaga daah furatay xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2019/2020, kaddib markii ay 4-1 ku xasuuqeen naadiga Norwich City.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hogaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 7-aad daafaca kooxda Norwich City ee Grant Hanley ayaa iska dhaliyay goolka daah furka ee ciyaarta waxayna dheesha sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hogaamineysay Liverpool.

Maxamed Saalax ayaa 19 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd wuxuu ka dhigay 2-0, kaddib caawin uu ka helay Roberto Firmino.

Inta aanba la gaarin 30-ka daqiiqo ugu horeysay ee ciyaarta Liverpool ayaa la timid goolkeedii 3-aad, waxaana dheesha 3-0 ka dhigay Virgil Van Dijk, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Maxamed Saalax.

Daqiiqadii 42-aad ee gabagabada qeybta hore ee dheesha Divock Orig ayaa si toos ah u quusiyay kooxda martida ku aheyd garoonka Anfield ee Norwich City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-0, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Alexander-Arnold.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay Liverpool oo ku ciyaareysay garoonkeeda Anfield kuna dhex jirtay jamaahiirteeda ayaa markale la soo gashay garoonka qaab ciyaareed heer sare ah.

Laakiin daqiiqadii 64-aad kooxda Norwich City ayaa gool heshay waxaana u dhaliyay Teemu Pukki oo ciyaarta ka dhigay 4-1, kaadib caawin uu ka helay saaxiibkiis Emiliano Buendia.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday 4-1 ay guusha ku raacday kooxda uu hogaamiyo macalinka reer Germany Jürgen Klopp ee Liverpool.

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here