“Lionel Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican ee aan abid arkay” – Jurgen Klopp

0
31

(Liverpool) 04 Dis 2019. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa wuxuu ku faanay inuu ku faraxsan yahay in ciyaartoydiisa ay ku jiraan liiska musharixiinta abaal-marinta Ballon d’Or.

Dhinaca kale Jürgen Klopp ayaa wuxuu xusay in weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu yahay ciyaaryaahankii ugu fiicnaa ee u arkay noloshiisa.

Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa habeenkii Isniinta lagu guddoonsiiyey Lionel Messi abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or 2019.

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markiisii lixaad ee xirfadiisa kubadda cagta ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Haddaba Jürgen Klopp oo su’aal laga weydiiyay aragtidiisa kaga aadan kaddib markii uu Messi ku garaacay Virgil van Dijk ayaa wuxuu ku jawaabay:

“Tani waa doorashada suxufiyiinta wax dhibaato ah malahan, waxaa laga yaabaa inaan qabo aragti yar oo ka duwan, laakiin tani waa xaallada jirta”.

“Waxaan mar kasta sheegaa in Lionel Messi uu yahay ciyaaryahankii ugu fiican ee aan waligey arkey, waxaan sidaas sheegay 5,000 jeer ee horey, wuxuuna ku guuleystay abaal-marinta markii lixaad ee xirfadiisa”.

“Haddii aan ka hadlo xilli ciyaareedkii hore oo kaliya, Virgil van Dijk wuxuu sameeyay qaab ciyaareed aan caadi aheyn, mana xasuusto ciyaaryahan kasta ee sameeyay qaab ciyaareed ka fiicnaa midka uu sameeyay van Dijk, gaar ahaan marka loo fiiriyo qaab difaacashadiisa, sidaa darteed la yaab iguma noqon laheyn haddii uu ku guuleysan lahaa abaal-marinta”.

“Waan ogaa in farqi yar ee u dhexeeyey codeyntii la sameeyay, balse waxa uu sheegay Virgil van Dijk kaddib ku dhawaaqida magaca guuleystaha, waxay muujineysaa inuu yahay shaqsi aad u fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here