Lionel Messi oo isku diyaarinaya dhacdo taariikhi ah kulanka Barcelona ee soo socda

0
44

(Barcelona) 26 Nof 2019. Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya dhacdo taariikhi ah kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonaan naadiga reer Germany ee Borussia Dortmund.

Barcelona ayaa habeen dambe ku soo dhaweyn doonto kooxda Borussia Dortmund garoonka Camp Nou, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 5-aad wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Barcelona ayaa u baahan inay badiso kulankan, si ay si rasmi ah ugu gudubto wareega xiga ee tartankan, kahor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Inter Milan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain, Messi ayaa ciyaari doona kulankiisii ​​700-aad ee maaliyada kooxda Barcelona, hadii uu ka qeybgalo kulanka ayb habeen dambe Arbacada ah la dheeli doonaan kooxda Borussia Dortmund, maadaama uu guud ahaan ilaa iyo haatan u ciyaaray Blaugrana 699 kulan.

Lionel Messi ayaa kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay kooxda Barcelona 16/October/2004, iyadoo uu kooxda macalin ka ahaa tababaraha reer Holland ee Frank Rijkaard, waxayna xilligaas da’adiisu aheyd 17 sano, 3 bilood iyo 22 maalmood.

Intaas waxaa sii dheer in Lionel Messi uu kula guuleystay kooxdiisa Barcelona 35 koob, kaddib mudo dhan 15 xilli ciyaareed xiriir ah uu u ciyaaray.

Dhinaca kale, Messi ayaa wajihi doona loolan kale ee cusub ee ku aadan jabinta rikoorka halyeeyga Barcelona Xavi Hernandez, kaasoo ah ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda kooxda reer Catalonia, wuxuuna ku ciyaaray maaliyada Blaugrana 767 kulan, ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here