Kooxda Manchester United oo ku dhow inay heshiis rikoor dhanka xayeysiinta maaliyaddeeda ah la gasho Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha

0
42

(Manchester) 26 Nof 2019. Sida uu ku waramayo Wargeyska The Sun Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qarka u saaran inay heshiis rikoor oo dhanka xayeysiinta funaanadeeda ah la gasho Shirkad laga leeyahay Waddanka Shiinaha.

Sida warbixinta lagu sheegay Shirkaddan oo la yirahaado Haier group ayay kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford kula heshiis rabtaa 70 milyan oo gini sanadkii, markaas kaddibna waxa ay ugu xayeysiinaysaa maaliyaddeeda oo ay shafka kaga qori doontaa magaca shirkaddan.

Shirkaddaan Haier group ayaa waxyaabaha ay qabato waxaa ka mid ah Naqshadeynta, horumarinta Warshadaha, sidoo kale waxa ay iibisaa waxyaabaha korontada ku shaqeeya sida taleefoonada gacanta, Kumbiyuutarada, qalabka dharka lagu dhaqo, qaboojiyeyaasha iyo Hoover-ka oo wasaqda iyo qashinka dhulka looga nuugo.

Inkastoo xoogaa kooxda Man United uu hoos dhac ku yimid inta uu hoggaankeeda hayo macallin Ole Gunnar Solskjaer haddana waxa ay doonaysaa in heshiiska ay kula jirto Chevrolet ee qiimihiisu yahay 64 milyan oo gini sanadkii ay ku bedesho heshiiskan cusub oo ku kacaya 70-ka milyan oo gini sanadkii.

Shabakadda ciyaaraha ee SunSport ayaa sheegaysa in  shirkaddaan la yiraahdo Haier group ay bishii July 405 milyan oo gini ku iibsatay Shirkadda Electarooniga weyn ee laga leeyahay Talyaaniga oo lagu magacaabo Candy, waxaana ay doonaysaa inay noqoto shirkadda Magaceeda lagu xayeysiin doono maaliyadda Man United.

Madax sare oo ka socota shirkadda Haier group ayaa isbuucii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Ingiriiska, halkaasoo la sheegay in maalmihii laga soo gudbay ay wadahadallo kula lahaayeen halkaas madaxda sare ee Man United, waxaana jira cabasho ka imaanaysa shirkadda ay haatan wax u xayeysiiso Man United ee Chevrolet.

Funaanadda Manchester United waxa ay ka mid tahay maaliyadaha ugu qaalisan Adduunka, waxaana Shirkadda la yiraahdo Haier group ay ku rajo weyn tahay inay 70 milyan oo gini sanadkii iyo sanad kale oo dheeraad ah u saxiixdo Man United si magaceeda loogu xayeysiiyo labiska kooxdan ka arrimisa garoonka Old Trafford, inkastoo wax war ah oo ku saabsan arrintan aysan ka soo bixin kooxda Man Utd.

Heshiiska ay Man United la gashay Shirkadda Chevrolet waxaa la kala saxiixday sanadkii 2014-kii, waxaana uu ku kacayay 64 milyan oo gini sanadkii, isagoo ahaa 7 sano oo lagu xayeysiinayo Maaliyadda Manchester United.

Dhanka kale Chevrolet oo ah shirkadda ugu weyn Mareykanka ee Baabuurta sameysa ayaa rabta inay xilli hore isaga baxdo qandaraaska ay kula jirto Manchester United, waxaana jira dalabyo farabadan oo soo gaaraya Man Utd oo ku aaddan shirkado doonaya inay xayeysiis ugu sameyso Funaanadeeda, sida Shirkadda Lego, tan reer Japan ee ciyaaraha iyo games-ka ka shaqeysa ee Konami iyo Shirkadda Shiinaha ee qamaarka ka shaqeysa oo la yiraahdo Yabo Sport.

Manchester United waa kooxda ugu badan lixda kooxood ee ugu waa weyn Premier League oo lacagaha ugu badan ku hesha shirkadaha ay ku xayeysiiso xabadka maaliyadeeda waxaana Chevrolet ay sanadkii haatan ka qaadataa 64 milyan oo gini ee halkaa hoose ka eeg koox waliba shirkadda ay xayeysiiso iyo lacagaha ay ka hesho sanadkii.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here