Kooxda Manchester United oo ay macquul tahay inay bisha Janaayo la soo wareegto Weeraryahan ka dheela horyaalka Premier League

0
14

(London) 07 Nof 2019. Weeraryahanka Kooxda Everton ee Richarlison ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay saxiixa ugu macquulsan ee Manchester United ay ka sameyn karto suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

22-sano jirkaan ayaa u dhaliyay Kooxda Watford shan gool oo Premier League ah intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2017-18 ka hor inta uusan ku biirin Naadiga Everton, halkaas oo uu ku ansixiyay 14 gool 38 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkii hore.

Weeraryahanka oo haatan xubin rasmi ah ka ah xulka Brazil ayaa afar gool dhaliyay labo kalena caawiye ka ahaa 14 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan ciyaaray, taasoo uu ku noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu firfircoon  horyaalka Premier League.

Sida laga soo xigtay London Evening Standard, Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxaa soo jiitay awoodda Richarlison uu u leeyahay inuu ka ciyaaro dhowr boos oo kala duwan oo dhanka weerarka ah.

Man United ayaa u ogolaatay labadeedii Weeraryahan ee Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez inay ka baxaan xagaagan, iyagoo aan la soo wareegin badalkooda, xilli Man United ay ku dhib qabtay dhanka goolasha tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan 2019-20.

Dhanka kale xiddiga Juventus ee Mario Mandzukic iyo weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele ama dhaliyaha Red Bull Salzburg ee Erling Haaland ayaa sidoo kale ka mid ah magacyadda la la xiriirinayo  inay u wareegayaan garoonka Old Trafford bilihii dhowaa.

Si kastaba ha noqotee, Weeraryahanka kooxda Everton ee Richarlison ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay saxiixa ugu macquulsan ee Manchester United ay haatan ka sameyn karto suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bisha Janaayo.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here