Kooxda Lecce oo taako u dhigtay hogaamiyaasha horyaalka Serie A ee Juventus… +SAWIRRO

0
50

(Serie A) 26 Okt 2019. Kooxda Lecce ayaa taako u dhigtay hogaamiyaasha horyaalka Serie A ee Juventus, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Juventus ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay xiddiga reer Argantina ee Paulo Dybala, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 0-1.

Laakiin daqiiqadii 56-aad kooxda martida loo ahaa ee Lecce ayaa heshay rogoore waxaana gool u badelay xiddigooda Marco Mancosu, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbaro 1-1 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah ay ku kala bexeen labada kooxood ee Lecce iyo Juventus.

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here