Kooxda Chelsea oo heshay war wanaagsan ee ku saabsan dhaawaca N’Golo Kanté

0
78

(London) 29 Luulyo 2019. Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa helay war aad u wanaagsan ee ku saabsan xiddiga khadka dhexe reer France ee N’Golo Kanté, kaasoo ku dhaawacmay xerada tababarka ay Blues ugu diyaar garoobeyso xili ciyaareedka cusub.

N’Golo Kanté ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Chelsea, tan iyo markii uu kaga soo biiray Leicester City xagaagii 2016, wuxuu door muhiim ah ku lahaa Blues, isagoo gacan weyn ka geystay tartamo kala duwan ay ku guuleysatay kooxda reer London .

Chelsea ayaa haatan raadineysa inay ku guuleysato mashruuca macalinkooda cusub ee Frank Lampard, kaddib markii uu noqday badalka Maurizio Sarri oo dhamaadka xili ciyaareedkii hore u dhaqaaqay kooxda Juventus.

Yeelkadeeda, N’Golo Kanté ayaa dib ugu soo laabtay xerada tababarka ee magaalada London si uu u sii wado howlgalka uu ku doonayo inuu kaga soo kabto dhaawaca ka soo gaaray dhanka Jilibka.

Frank Lampard oo rajo wanaagsan ka muujiyay xaalada N’Golo Kanté ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan ka leeyahay rajo wanaagsan, wuxuu tababar nala qaatay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, balse wali waxaa u dhiman xoogaa shaqo ah ee la doonayo inuu qabto si uu gabi ahaanba u kabto, balse waxaa jira astaamo muujinaya in xaaladiisa ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here