Kooxda Bayern Munich oo bedelka Tababaraheeda Niko Kovac ka dhex aragta horyaalka Premier League

0
47

(Munich) 31 Okt 2019. Kooxda Bayern Munich ayaa la soo warinayaa inay bedelka Tababaraheeda Niko Kovac ka dhex aragto horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Naadiga reer Jarmal ayaa la soo sheegayaa inay diyaar u tahay heshiis la gaarto macallinka kooxda Tottenham.

Shabakadda Sport1 ayaa sheegaysa in Bayern Munich ay u aqoonsatay Mauricio Pochettino inuu yahay musharax suuro-gal ah oo bedeli kara Niko Kovac.

Macallin Kovac ayaa cadaadis isdaba-joog ah kala kulmay kooxda Bayern xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa inay kooxdu haatan ka fiirsanayso inay iska fasaxdo.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda ee Hasan Salihamidzic ayaa Pochettino u doortay ninka bedeli doona Kovac, inkastoo tababaraha kooxda Ajax ee Erik ten Hag uu isna yahay xulasho kale.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here