Kooxda Barcelona oo si layaab leh u bartilmaameesanaysa xiddig 7 kulan kaliya u ciyaaray Man United xilli ciyaareedkii hore

0
66

(Barcelona) 29 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay si layaab leh bartilamaameed uga dhigatay difaaca Naadiga Manchester United ee Matteo Darmian.

29-sano jirkaan ayaa ahaa mid aysan inbadan isticmaalin macallimiinta Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana kaliya uu ciyaaray todoba kulan tartammada oo dhan.

Darmian ayaa loo badinayey in loo isticmaali lahaa booska garabka midig ee daafaca, laakiin hadda waxa uu ka dambeyn doonaa saxiixa cusub ee kooxda Man United ay booskaas u keensatay ee Aaron Wan-Bissaka.

Inkastoo ay u muuqato inaan laga dooneynin kooxda Man United, haddana Jariirada Mundo Deportivo ayaa ku warameysa in Barca ay isha ku heysay xaaladda xiddigan reer Talyaani, islamarkaana laga yaabo inay u dhaqaaqdo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Barcelona ayaa raadineysa dabool dheeri ah daafaca bidix ee Jordi Alba, waxaana lagu soo waramayaa inay u arkayaan Darmian inuu yahay xulasho fiican.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here