Koonfur Galbeed oo shaacisay liiska golaha deegaanka Diinsoor

0
98

Beledweyne (Hilaac News) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay tirada laga rabo inay ka koob naadaan golaha deegaanka ee loo sameynayo degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Liiska ayaa waxaa lagu soo bandhigay illaa 21 xubnood oo isugu jira rag iyo dumar intaba.

Sidoo kale waxaa lagu sii kala saaray sida loo kala qeybsanayo kuraasta oo laga rabo 11 rag ah iyo 10 dumar ah, kuwaas oo ka kala imaan doono beelaha ku dhaqan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in liiskaan ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ay horay ugu soo heshiiyeen saxiixayaasha beelaha oo gaaraya illaa afar beel.

Dhowaan ayaa la filayaa in la dhiso golaha deegaanka Diinsoor oo qorshiisu maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey gudaha magaaladaasi.

Koonfur Galbeed ayaa dooneysay in dhammaan deegaanadeeda ay ka hirgaliso golayaasha deegaanka oo muhiim u ah degmooyinka Sh/Hoose, Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here