Kenya oo soo saartay go’aan ay ciidamo ku geyneyso badda ay ku haysato Soomaaliya

0
37

Nairobi (Hilaac News)  – Xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta meel mariyey in ciidamada difaaca dalkaasi la geeyo biyaha Soomaaliya oo ay haatan dacwad u dhexeysa labada dal ay ku furan tahay maxakamadda caalamiga ah ee ICJ.

Qoraal ka soo baxay baarlamaanka Kenya, islamarkaana uu ku saxiixnaa Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali ah Kenyaan ayaa lagu sheegay in kiiska badda uu Kenya ka luminayo 26% biyaheeda sidoo kalena 85% aagga gaarka ah ee dhaqaalaha ku weyneyso.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale xukuumadda Nairobi ku amray in si deg deg ah ay ciidamo ku geyso biyaha lagu muransan yahay, si ay uga difaacaan Soomaaliya.

Sidoo kale warka ka soo baxay baarlamaanka ayaa soo xiganayaa qodobo iyo heshiisyo hore oo ay sheegeen in ay wada galeen dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa shaaciyey in Soomaaliya ay dooneyso in gabi ahaan ay soo ceshato dhulka NFD, islamarkaana ay ugu dambeyso kiiska badda ee  horyaalla maxakamadda caalamiga ah ee ICJ.

19-ka bisha September ee sanadkan ayaa la filayaa in ay ICJ dib u furto dhageysiga kiiskan, iyadoona Kenya ay rumeysan tahay in loo xugminayo dhinaca Soomaaliya.

Hilaac News
Xafiiska Nairobi
Admin@hilaacnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here