Juventus oo kaga yaabsatay Inter Milan dalab xoogan ay ka soo gudbisay Romelu Lukaku

0
72

(Italy) 27 Luulyo 2019. Juventus ayaa kaga yaabsatay naadiga Inter Milan inay diyaar u tahay inay kula dagaalanto heshiiska weeraryahanka reer Belgium iyo Manchester United ee Romelu Lukaku, kaddib markii ay kooxda Bianconeri muujisay xiisaha ay qabto adeega xiddigan, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.

Shabakada caanka ah ee “Sky Sports” ayaa sheegtay in Juventus ay dalab u gudbisay kooxda Manchester United, kaasoo ah inay isdhaafsadaan xiddigaha Paulo Dybala iyo Romelu Lukaku.

Kooxda Inter Milan ayaa raacdo ugu jirtay sida ay ku heli lahayd adeega 26 jirkan reer Belgium ee Lukaku mudo dheer, maadaama uu sidaas xiiseenayo macalinkooda cusub ee Antonio Conte.

Laakiin kooxda Nerazzurri ilaa iyo haatan wax jawaab ah ma aysan ka bixinin codsiga ka yimid Manchester United ee ah qiimaha ay ku dooneyso inay ku iibiso Lukaku.

Kooxda Inter ayaa miiska soo saartay qiimo dhan 60 milyan euro ah, kaasoo ay ku dooneyso inay ku iibsato Lukaku, balse Red Devils ayaa diiday in xiddigoodan reer Belgium ay ku iibiyaan qiimo ka yar 85 milyan euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here