Jubaland oo war kasoo saartay xaalad halis ah oo ka soo cusboonaatay gobolka Gedo

0
62

Beled-Xawo (Hilaac News) – War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in maanta ay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo shir ku yeesheen xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Jubbaland.

Kulankaas waxaa lagu sheegay warkan in lagu lafa guray xaladda siyaasadeed ee ka taagan magaalooyinka  Dolow, Beled-Xaawo, Luuq iyo Baardheere oo ka wada tirsan gobolka Gedo, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan lagu daabulay gobolkaas.

Jubaland ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in xaalad halis ah oo bani’aadannimo ay ka taagan tahay gobolka, taais oo ay aad uga walaacsan tahay

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dad u dhaxeeya 15-20 kun oo qoys ay ku barakaceen xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka Gedo, kuwaaso oo wajahaya biyo la’aan xooggan, xilli lagu jiro waqtigii kuleylaha.

Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii bishan ay ciidamada dowladda diideen in diyaarad samafal oo gargaar sidday ay ka degto garoonka Doolow.

Waxay sidoo kale sheegtay inay geeriyoodeen bukaano badan sababo la xiriiro xayiraadda saaran gobolka, kadib markii loo qaadi waayey magaalada Muqdisho.

Arrimahan ayay Jubaland sheegtay inay ka dhasheen khal-khalka siyaasadeed, kan amni iyo midka maamul ee dowladda federaalku ay ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay in weli faragalin siyaasadeed iyo khal-khal amni ay ka wado gobolka Gedo, isla markaana ay meel iska dhigtay dastuurkii dalka iyo hanaankii federaalka ee Soomaalidu ay ku heshiisay.

Jubbaland ayaa waxgaradka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka ka dalbatay in ay soo fara geliyaan xaaladda muragsan oo ay sheegeen in ay ka jirto gobolka Gedo, taas oo ay ku eedeeyeen in ay abuurtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jubbaland oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here