Jose Mourinho oo aan ku jirin liiska macallimiinta la la xiriirinayo shaqada Bacelona & Tababaraha ay u badan tahay inuu bedelo Valverde oo daaha laga rogay

0
9

(Barcelona) 05 Nof 2019. Tababare Jose Mournho ayaa la soo sheegayaa inuusan ka mid ahayn liiska macallimiinta la la xiriirnayo shaqada kooxda Barcelona, iyadoo haatan daaha laga qaaday hoggaamiyaha ay u badan tahay inuu bedelo macallin Ernesto Valverde.

Barcelona ayaa ka dhigatay Macallin Ronald Koeman inuu noqdo musharrax ugu cad-cad oo ay rabaan inay soo qaataan si uu badel ugu noqdo Tababare Ernesto Valverde oo uu ula wareego shaqada kooxda koowaad ee Barca.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Spain ayaa ka fiirsanaysa inay u ogolaato tababarahooda haatan inuu tago dhammaadka xilli ciyaareedkan, xiddigii hore ee Barca Ronald Koeman ayayna u aragtaa mid ku habboon booskaas, sida warbixinnadu ay tilmaamayaan.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Koeman uu yahay midka ay kooxda reer Catalan rabto inay u soo qaadato bedelka Ernesto Valverde, halka macallin Jose Mourinho aanu ku jirin liiska.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here