Jorginho oo ku ciyaaray xalay maaliyadda uu ku qornaa magaciisa oo qaldan kulankii dhexmaray kooxaha Liverpool iyo Chelsea!

0
77

(Istanbul) 15 Agoosto 2019. Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa kulanka Final-ka UEFA Super Cup waxa uu xalay ku dhexmaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Chelsea ayaa guuldarro kala kulantay Liverpool, balse kulankaas waxaa la arkay Jorginho oo xiran maaliyadda uu magaciisa oo qaldan dusha kaga qoran yahay.

Laacibka khadka dhexe ee Talyaaniga ayaa xirnaa maaliyadda oo magaciisa isdhaaf yar oo qalad ahi uu ku jiray, balse taageerayaasha Blues ayaa soo qabtay isla markaana kaga maadeystay baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka.

Inkastoo Blues ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo kulan ku dhammaaday barbarbo 2-2 ah kaddib Chelsea looga adkaaday rigooreyaal 5-4, isla markaana ay Liverpool qaaday koobka UEFA Super Cup haddana waxaa la arkay Jorginho oo ximaran maaliyad uu ku qornaa magaciisa oo qaladan iyo Kante oo koorno ka xiranaya Van Dijk.

27-sano jirkaan ayaa kulankan UEFA Super Cup ee markii ugu horreysay xalay dhexmaray kooxo Ingiriis ah waxa uu xirnaa maaliyad uu ku qornaa magaca qaldanaa ee “Jorghino” halkii laga rabay in lagu qoro sida saxda ah “Jorginho”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here