Joachim Löw oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha xulka qaranka Germany ee ka qeyb galaya kulamada isreebreebka ee Euro 2020

0
28

(Germany) 08 Nof 2019. Tababare Joachim Löw ayaa magacaabay liiska xiddigaha xulkiisa qaranka Germany ee ka qeyb galaya kulamada isreebreebka koobka Euro 2020 ay la ciyaari doonaan xulalka Belarus iyo Northern Ireland.

Xiddigaha Toni Kroos oo Real Madrid ah, Timo Werner oo RB Leipzig ah, iyo Emre Can oo Juventus u ciyaara, ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha xulka qaranka Germany ee ka qeyb galaya kulamada isreebreebka ee Euro 2020.

Xulka qaranka Germany ayaa wuxuu 16-ka bishan November wajihi doonaa xulka Belarus, halka 19-ka isla bishan November ay la ciyaari doonaan Northern Ireland.

Haddaba xiddigaha ku soo baxay liiska xulka qaranka Germany uu magacaabay tababare Joachim Löw si ay kaga qeyb galaan kulamada Belarus iyo Northern Ireland.ayaa waxaa kala yihiin:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here