IRAN Oo Digniin Adag U Dirtay Midowga Yurub

0
76

(HilaacNews-Iran)-Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa sheegay in waddamada midowga Yurub ay awoodaan inay difaacaan heshiiskii Nuclear-ka oo waddamada quwadaha la galeen Iraan sannadkii 2015-kii.

Mr Cali Rabaay ayaa intaa ku daray in Iiraan ay ka go’antahay inuu sii jiro heshiiskan haddii dalalka Yurub ay la yimaadaan difaaca (JCPOA).

Waddamada Jarmalka Faransiiska iyo Ingariiska oo qeyb ka ah heshiiska ayaa wuxuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen in ay difaacaan danaha Iiraan.

Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa dhanka ku hanjabay in dalkiisa uu bilaabi doono bacriminta hubka wax gumaada ee Nuclear ka haddii Yurub ay la imaan weydo cisbadal muuqda.

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore laashay heshiiskii 2015-ka oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa, waxaana xayiraad dhaqaale ay Washington ku soo rogtay dowladda Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here