Inter Milan oo Guul Waqti damba ah ka soo heshay kooxda Bologna…+SAWIRRO

0
17

(Serie A) 02 Nof 2019. Inter Milan ayaa guul Waqti damba ah ka soo heshay kooxda Bologna oo ay booqatay kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2 kulankooda 11-aad ee horyaalka Serie A ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad kooxda Bologna ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Roberto Soriano, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mattias Svanberg.

Laakiin daqiiqadii 77-aad Inter Milan ayaa heshay goolka barbaraha waxaana dheesha 1-1 ka dhigay Romelu Lukaku.

Laakiin daqiiqadii 90-aad Inter ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay weeraryahankooda Romelu Lukaku, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaantay 1-2 ay guusha ku raacday kooxda Inter oo marti u aheyd Bologna.

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here