Idaacadda Spain ee El Larguero oo shaacisay kooxda Premier League ka dheesha ee qarka u saaran inay dhammaystiro saxiixa Philippe Coutinho

0
45

(London) 07 Agoosto 2019. Idaacadda Isbaanishka ah ee El Larguero ayaa haatan warinaysa in kooxda kubadda cagta Arsenal ay qarka u saaran tahay inay dhammaystiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona, Philippe Coutinho.

Philippe Coutinho oo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London ayaa tababar ku qaadanaya magaalada Miami, waxaa la warinayaa inuu heshiis amaah ah ugu wareegayo garoonka Emirates.

Saacadihii ugu dambeeyey mudadii ay kooxda Barcelona ku guda jirtay safka ay ku tagaysay dalka Mareykanka waxaa warbaahinta ciyaaraha qabsaday warka ah in xiddigan reer Brazil uu amaah ugu biirayo mid ka mid ah kooxda Premier League, balse hadda Idaacadda isbaanishka ah waxa ay xaqiijinaysaa in Gunners heshiiska u ku qaadanayso Coutinho uu gabagabo ku dhow yahay.

Idaacadda El Larguero oo laga leeyahay dalka Spain waxa ay baahisay in heshiiska ay kooxda kubadda cagta Arsenal kula wareegeyso xiddigan khadka dhexe ee Philippe Coutinho inta ugu badan la soo gabagabeeyey, taasoo farxad gelinaysa kooxda Arsenal iyo Jamaahiireeda.

Tottenham ayaa dhankeeda doonaysa inay Gunners kula dagaalanto heshiiska amaahda ah ee lagu doonayo ciyaaryahankii hore ee kooxda Liverpool, balse haatan waxa ay u muuqataa in kooxda horyaalka Premier League dib ugu soo celinaysa Coutinho inay tahay Arsenal.

Heshiiska uu ugu wareego Philippe Coutinho kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa inay u badan tahay in la dhammaystiri doono saacadaha yar ee suuqa ka haray, maadaama suuqa Premier League uu xirmayo berri oo Khamiis ah.

Waxaa la fahamsan yahay in xiisaha ay Arsenal u hayso Coutinho uu xoogeystay markii madaxda labada kooxood ee Gunners iyo Barca ay ku kulmeen kulankii saaxiibtinnimo ee Axaddii ka dhacay garoonka Camp Nou.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here