Ibrahimovic oo codsi muhiim ah ee ku aadan Pogba u jeediyay kooxdiisii hore ee Manchester United

0
76

(England) 01 Agoosto 2019. Weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa kooxdiisii ​​hore ee Manchester United ka codsaday inay iska iibiyaan Paul Pogba inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa si weyn lala xiriirinayaa inuu ku biirayo midkood kooxaha Juvventus iyo Madrid, kaddib markii uu sheegay inuu xiiseenayo loolan cusub ee meel kale ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa wareysi uu siiyay shabakada “BBC Sport” wuxuu ku sheegay in maamulka Red Devils ay qasab ku tahay in Pogba ay u ogolaadaan inuu baxo haddii uu doonayo.

“Waxaan u maleynayaa haddii uusan dooneynin Pogba inuu sii joogo, inaysan macquul aheyn in lagu sii haayo kooxda, waana in loo ogolaado inuu ka ciyaaro halka uu doonayo inuu joogo”.

“Waa in fursadan looga faa’ideeyaa xiddig kale ee xiiseenaya inuu sii joogo kooxda, ciyaartoyda waa dad xirfadlayaal ah oo si fiican u garanaya xaalada midba midka kale”.

“Ma dooneysid inuu sii joogo kooxdaada ciyaaryahan aanan dooneynin inuu baaqi ku sii ahaado, sababtoo ah waxaaad ogtahay inuusan siin doonin 100% ama 200% kooxda u diiday inuu baxo, runtii waa xaalad aad u adag, waxaana wanaagsan in la tixgeliyo danaha kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here