Horudhac: Celta Vigo vs Barcelona… (Barca oo rajaynaysa inay ka soo kabato natiijooyinkeedii xumaa ee ugu dambeeyey)

0
16

(Eibar) 09 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweyn doonta naadiga Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga Spain caawa oo Sabti ah, naadiga macallin Ernesto Valverde ayaan rajeynaysa inay ka soo kabsato labadii natiijo ee xumaa oo ugu dambeeyey kuwaasoo midna laga adkaaday midna ay barbaro gashay.

Blaugrana ayaa guuldarro 3-1 kala kulantay naadiga Levante todobaadkii la soo dhaafay ka hor inta aysan barbaro 0-0 garoonkeeda kula galin kooxda Slavia Prague kulan ka tirsan tartanka Champions League.

Dhinaca kale Kooxda Calta Vigo ayaa iska cayrisay tababaraheedii Fran Escriba kaddib markii ay guuldarro 1-0 kala kulmeen Getafe, iyadoo macallinkooda cusub ee Oscar Garcia uu kulankiisii ugu horreeyey wajihi doono kooxdii uu matalay ku dhawaad lix sano.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – LaLiga Santander

Taariikhda: Sabti, 09 Nof 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Guillermo Cuadra Fernandez (Spain)

Garoonka: Camp Nou

Wararka Kooxaha:-

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa dhaawac ku seegaya kulankan, waxaana ay u badan tahay in Antoine Griezmann uu markale hoggaamin doono weerarka Barca.

Ansu Fati ayaa la rajeynayaa inuu ku soo bilowdo dhanka bidix ee weerarka si uu weerarka uga mid noqdo, iyadoo Ousmane Dembele Kooxda laga saaray bartamihii isbuuca.

Maqnaanshaha Jordi Alba iyo Nelson Semedo waxaa ku soo bilaaban doonaa daafaca bidix da’yarka mustaqbalka leh ee Junior Firpo.

Maclinka dhawaan-galka ah ee Ocar Garcia ayaa la wareegi doona kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda Celta Vigo kaddib ceyrintii Fran Escriba kaasi oo waayay kursigiisii shaqada dhawaantan.

Lucas Olaza ayaa la filayaa inuu booska daafaca bidix ka helo David Junca.

Pape Cheikh ayaa sidoo kale laga doorbidi karaa dooqa khadka dhexe xiddiga la yiraahdo Okay Yokuslu inkaatoo laacib kan uu ka mid yahay furayaasha kooxda martida loo yahay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guuleysatay 12-kii kulan ee ugu danbeysay oo ay garoonkooda Camp Nou ku ciyareen horyaalka La Liga.

>- Celta Vigo ayaa ku guuldarreysatay inay badiso 17-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti ahaayeen kulamada horyaalka.

>- In ka badan 2.5 gool laga dhaliyay 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay Celta Vigo oo ay kooxdiisa ka ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa badisay siddeed ka mid ah 10-kii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda kula ciyaaraan Celta Vigo dhamaan tartamada oo dhan.

>- Barcelona ayaa badinaysay qeybta koowaad iyo waqtiga buuxa ee ciyaarta afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- In ka badan 2.5 gool ayaa laga dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Barcelona garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaareen garoonkooda ciyaaraha LaLiga.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool sagaal ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka horyimaadaan Celta Vigo dhammaan tartammada oo dhan.

>- Celta Vigo ayaa laga dhaliyay ugu yaraan labo gool saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti ahaayeen tartanka horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ee labada koox:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here