Horudhac: Bournemouth vs Manchester United… (Red Devils oo rajaynaysa inay sii wadato guulaheeda xiriirka ah)

0
39

(Bournemouth) 02 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa rajaynaysa inay sii ballaariso guulahadeeda xiriirka ah marka ay galabta oo Sabti ah u safreyso garoonka Vitality Stadium, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto naadiga Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Wiilasha Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa guuleystay saddex kulan oo xiriir ah markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso, waxaana ay kulammo koobabka ah ay guulo ka heleen Partizan iyo Chelsea, halka sidoo kale kulan horyaalka ah ay ka adkaadeen Norwich.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti, 02 Nof 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 3:30 Galabnnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Christopher Kavanagh (England)

Garoonka: Vitality Stadium

Wararka Kooxaha:-

Macallinka kooxda Bournemouth ee Eddie Howe ayaa isbedel sameyn kara kaddib markii kooxdiisu ay ku guuldarreysatay inay gool dhaliso saddexdii kulan ee ugu dambeeyey.

Dan Gosling ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa, laakiin weli diyaar uma ahan inuu ka qeyb qaato kulankan, halka David Brooks, Charlie Daniels iyo Junior Stanislas ay sii joogteyn doonaan maqnaanshahooda.

Dhinaca kale kooxda Manchester United ayaa qiimeyn doonta xaaladda Victor Lindelof, Marcus Rashford iyo Harry Maguire, kuwaasoo dhammaantood dhaawacyo muuqda ay ka soo gaareen guushii EFL Cup ee ay ka gaareen Chelsea.

Paul Pogba oo dhaawac canqowga ah qaba ayay u badan tahay inuu garoomada ka sii maqnaan doono illaa bisha December.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kaddib guushii ugu horreysay oo ay ebid ka gaareen horyaalka Premier League kooxda Manchester United markii ay 2-1 uga adkaatay bishii December sanadkii 2015-kii, Bournemouth waa kuwo aan badinin todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka horyimaadaan Red Devils, waxaana todobada kulan ay kala kulmeen 6 guuldarro iyo 1 barbaro.

>- Manchester United ayaa kaliya ku guuldarreysatay inay gool dhaliso mid ka mid ah 16-keedii kulan ee ay wajahday kooxda Bournemouth tartammada oo dhan, kulankaasina waa guuldarradii 0-2 ee ay kala kulmeen wareegga saddexaad ee FA Cup-ka sanadkii 1984-kii.

>- Bournemouth ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League waxaana ay labo ka mid ah kulammadaas ay galeen barbaro, halka kulanka kale laga adkaaday, markii ugu dambeysay oo ay afar kulan oo xiriir ah gool dhalin waayaan kulammada horyaalka waxa ay ahayd bishii Maarso sanadkii 2012-kii.

>- Guushii Manchester United ay 3-1 kaga gaartay Norwich markii ugu dambeysay ee ay banaanka ku soo ciyaaraan horyaalka ayaa soo gabagabeysay siddeed kulan oo bannaanka ay ku soo dheeleen horyaalka oo ay guul la’aan ahaayeen (saddex barbaro iyo shan guul darro ayayna la kulmeen mudadaas).

>- Red Devils ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato 10-kii kulan ee ugu dambeysay ee ay marti ahayd horyaalka Premier League – kaliya intii u dhaxeysay bishii Agoosto 2002 illaa bishii Janaayo 2003 ayaa laga dhaliyey goolal kulammo badan oo xiriir ah tartankan waxaana shabaqooda la soo taabtay 11 kulan oo xiriir ah tartankan.

>- Bournemouth ayaa guuleysatay kaliya labo jeer 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka Premier League, waxaana ay mudadaas la kulantay 5 barbaro iyo 4 guuldarro, saddex ka mid ah shantoodii kulan ee garoonka Vitality xilli ciyaareedkan ayaa ku dhammaaday barbaro, labada kulan ee kalana mid ka mid ah guul ayay gaartay halka mid kalena laga adkaaday.

>- Manchester United ayaa ku guuldarreysatay inay afar rigoore ka dhaliso horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, kooxaha ugu badan ee hal xilli ciyaareed ku guuldarreystay inay gool ku laadyo dhaliyaan waa Tottenham kal ciyaareedkii 1994-95 iyo Liverpool xilli ciyaareed 2011-12 waxaana ay khasaariyeen min shan rigoore.

>- Man United ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay meel ka baxsan garoonkeeda (Away) kula soo ciyaartay naadiga Bournemouth tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here