Halyeey kooxda AC Milan ah oo ka hadlay suurtogalnimada uu Modric ku imaan karo San Siro

0
87

(Milan) 08 Agoosto 2019. Halyeeyga reer Croatia iyo AC Milan Zvonimir Boban ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu ku imaan karo xiddiga Real Madrid ee Luka Modric kooxda Rosenneri.

Boban ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:

“Paolo Maldini ayaa wuxuu durbaba daaha ka qaaday rabitaankeena ah inaan sidaas sameyno, laakiin inta aan sii wadno ka hadalka iyo inaan wax ka qorno isaga, waxaan jeclaan lahaa inaan markale ku celiyo in xiddigii ugu faacanaa adduunka sanadkii hore Modric uusan noqon doonin ciyaaryahan Milan ah”.

“Sida iska cad way fiicnaan laheyd inaan helno saxiixiisa, laakiin tani waa runta kaliya ee jirta ilaa iyo haatan, waa shaqsi iyo ciyaaryahan leh qaab ciyaareed aan caadi aheyn”.

Hadalkan kasoo yeeray halyeeyga reer Croatia iyo AC Milan Zvonimir Boban ayaa wuxuu hoos u dhigay xamaasadii taageerayaasha, taasoo ka dhalatay warbixino badan oo sheegayay in Modric uu imaan karo garoonka San Siro, si uu ugu hogaamiyo xili ciyaareedka cusub inay gaaraan himilooyinkooda iyo inay dib ugu soo laabtaan ka qeyb galka tartanka xiisaha badan ee Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here