Halyeey hore ee kooxda Man United ah oo ku taliyay in la iibiyo Pogba, xili uu sidoo kale ka hadla Gareth Bale

0
57

(Manchester) 31 Luulyo 2019. Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United Teddy Sheringham ayaa aaminsan in iibinta ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba ay tahay xulasho u wanaagsan Red Devils.

Waxaa jira warar la xiriirinaya in Paul Pogba uu ku biirayo kooxda Real Madrid, kaddib markii uu sidaas codsaday macallinka reer France ee Zinedine Zidane.

Dhankeeda kooxda Manchester United ayaa waxay codsatay aduun lacageed dhan 180 milyan euro si ay ugu ogolaato Paul Pogba inuu u dhaqaaqo naadiga Real Madrid.

Hadaba weraryahankii hore ee kooxda Manchester United Teddy Sheringham ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Toksport” wuxuu ku sheegay:

Image result for Gareth Bale Pogba and Teddy Sheringham

“Uma maleynayo in Paul Pogba uu ku haboon yahay kooxda Manchester United, dadku waxay ka xanaaqsan yihiin xaaladiisa garoonka Old Trafford, inuu baxo waxay u fiican tahay qof walba”.

“Haddii kooxda Real Madrid ay rabto inay la saxiixato Pogba, wuu bixi karaa waxaana u isticmaali karnaa lacagta ka soo xaroota inaan kula saxiixano ciyaartoy kale”.

Intaas kaddib Teddy Sheringham ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka xiddiga reer Weles ee Gareth Bale wuxuuna yiri:

Image result for Gareth Bale Pogba and Teddy Sheringham

“Waa inuu ka tagaa Real Madrid, wey iska cadahay inaysan jirin qof ku sugan halkaas ee isaga dooneysa, waa inuu u ciyaaraa kooxda uu jecel yahay”.

“Ma ciyaari karo Gareth Bale xili ciyaareedka cusub, maxaa yeelay wuxuu noqon doonaa ciyaryahan la iska ilaaway” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay halyeeyga Red Devils ee Teddy Sheringham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here